SlideShare una empresa de Scribd logo
1 de 7
Descargar para leer sin conexión
DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALLAANKA
DOTT ABUUKAR NUUR XUSEYN
TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA
SIDA DHEGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA
QORAAL KOOBAN OO KU SAABSAN
NADIIFINTA DHAGAHA
Waxaa rajaynayaa in Qoraalkaan kooban oo ku saabsan nadaafada dhagaha uu noqdo
mid waxtar u leh waalidiinta Soomaaliyeed gortay u dhaqaaqaan nadaafada dhagaha
caruurtooda.
Islamarkaas qoraalkaan waxaa ka faa'idaysan karo soomaaliyoo idil iyagoo sida
saxda ah u nadiifiya dhagahooda.
Qoraalkaani waxaan ku egi doonaa wuxu uu yahay dhukayga, halka uu ka
yimaado,dhibaatada uu keni karo, goorta ay ku haboontahay in dhagaha dhukayga
laga nadiifiyo iyo ugu dambayntii qalabka loo isticmaalo nadaafada dhagaha.
Inta aana u gudo galin mowduucayna marka hore aan si kooban u qeexno
qaabdhismeedka dhegta biniaadamka.
Dhagta waa xubinta maqalka waxayna ka koobantahay 3 qaybood:
1) Qaybta Hore (Outer or external ear).
2) Qaybta Dhexe (Middle ear).
3) Qaybta Gudaha (Internal ear).
Qayb kasta oo dhagta ka mid ah waxay qabataa shaqo muhiim ah oo iyada u gaar ah
haddana si wadajir ah u wadaago shaqooyinka taasoo suuro gal ka dhigayso Maqalka.
QAYBTA HORE EE DHEGTA
(OUTER EAR)
Qaybta Hore ee dhegta waxay ka koobantahay :
a) Baalka dhegta oo ka sameesan carjaw.(Auricle).
b) Marinka ama kanalka dhegta.(Auditory Canal or Ear Canal).
c) Xuubka dhegta ama Durbaanka dhagta.(Ear Drum).
Waa maxay dhukayga:
Dhukayga waa dheecaan caadi ah oo ay soo saaraan unugyada marinka dhegta,
kaasoo loogu talagalay in uu guud ahaan dhagta ka difaaco waxyaalaha dibadda kaga
imaan kara sida dabaysha, wasaqda, busta, cayayaanka, biyaha iyo wax kasto oo
dhaawac u gaysan karo dhegta gudaheeda.
Goorta uu dhukayga bato waxaa banaanka u soo saara timaha yar-yar ee ku yaal
marinka dhegta.
Noocya badan oo dhukay ah ayaa jira:
mid kakan, mid jilicsan, mid mariin ah, mid cad oo yar yar ah iyo mid madaw.
Dhibaatada uu keeni karo dhukayga:
Dhukayga fa'iidooyin badan ayuu leeyahay sida aan kor ku xusnay loomana baahna
in mar kasta dhagaha la nadiifiyo.
Hase ahaate goortuu xad dhaaf noqdo dhukayga dhibaatooyin ayuu ka mas'uul noqon
karaa kuwaas kala ah:
a) Maqalka oo hoos u dhaco.
b) Xanuun aad ka dareentid dhegta gudaheeda.
c) Cun-Cun marinka dhegta.
d) Wareer.
e) Guuxa hadalkaaga oo dib kuugu soo noqdo.
f) Dhagta oo cub ku noqoto.
g) Caabuq.
Inta aysan soo ifbixin dhibaatooyinka la xiriira dhukayga waxaa haboon in dhagaha
la nadiifiyo.
Inta aad dhagaha nadiifin waa muhiim in marka hore aad baartid dhegta gudaheeda
(marinka dhegta) si aad u xaqiijisid in culayska kaa saaran dhegta uu sabab u yahay
dhukay.
Baaritaanka marinka dhegta waa howl khusayso takhtarka oo kuu xaqiijin karo haduu
marinka uu ku jiro dhukay ama hadii kale asoo isticmaalayo kalabka lagu eego
marinka dhagta.
NADIIFINTA DHEGAHA :
Goorta uu dhukayga si xad dhaaf ah ugu bato dhegta waxaa loo baahanyahay in
dhagaha la nadiifiyo.
Nadiifinta dhagaha waxaad ku samayn kartaa gurigaada adoo u baahan in uu qof
kale ku caawiyo ama in aad aadid isbitaalka qayba dhagaha.
FIIRO GAAR AH:
Ha isku dayin in aad nadiifisid dhagahaada ama kan caruurta ama dhaga kale hadii ay
jiraan marxaladaha hoos ku qoran:
1) Dhag xanuun
2) wareer
3) Caabuq
4) Malax ka soo dareerta dhagta.
5) Qandho.
Midda kale oo lagaa waaninayo waa isticmaalka cudbi (cotton swab) oo aad ku
nadiifisid marinka dhagta madaama aad marinka dhaawac u gaysan kartid ama aad
dilaaci kartid xuubka dhagta(durbaanka dhegta).
Cudbiga dhukayga ayuu gudaha ugu sii riixayaa ee wax uu nadiifinayo ayeesan jirin.
QALABKA LOO ISTICMAALO NADIIFINTA DHAGAHA:
Wa noocya badan oo kala geddisan qaarkood aad ka heli kartid keliya isbitaalka ama
studiaha takhtarka qaar kalane aad ka heli kartid farmashiiyaha oo aad gurigaada ku
nadiifsan kartid dhegahaada.
Inta aadna ku dhaqaaqin nadiifinta dhagaha waxaa marka hore muhiim ah in aad
dhukayga jilcisid, waayo waxaa dhici karto in uu yahay dhukay aad u adag.
Waxaad dhukayga ku jilci kartaa saliid, adoo 2 ama 3 dhibcood dheg walba ku
shubaysid ilaa 3-5 maalmood.
BIYAHAAAD ISTICMAALAYSID:
Goortaad rabtid in aad dhagaha nadiifsatid waa in aad isticmaashid biyo qandiic ah,
sababtoo ah biyaha qaboow ama kuwa kulul waxaad ka qaadi kartaa wareer aan caadi
ahayn.
DHAMAAD
.

Más contenido relacionado

La actualidad más candente

La actualidad más candente (9)

Household water treatment
Household water treatmentHousehold water treatment
Household water treatment
 
Population problem in india
Population problem in indiaPopulation problem in india
Population problem in india
 
Breastcare
BreastcareBreastcare
Breastcare
 
Sanitation
SanitationSanitation
Sanitation
 
Family planning
Family planningFamily planning
Family planning
 
Arthritis patient education & care
Arthritis patient education & careArthritis patient education & care
Arthritis patient education & care
 
Intravenous Injection ppt
Intravenous Injection ppt Intravenous Injection ppt
Intravenous Injection ppt
 
Bottle feeding guide avent
Bottle feeding guide aventBottle feeding guide avent
Bottle feeding guide avent
 
DIABETES INSIPIDUS.pptx
DIABETES INSIPIDUS.pptxDIABETES INSIPIDUS.pptx
DIABETES INSIPIDUS.pptx
 

Más de Dottor Mataan

Más de Dottor Mataan (7)

Jadeeco.pdf 2
Jadeeco.pdf 2Jadeeco.pdf 2
Jadeeco.pdf 2
 
Jadeeco
JadeecoJadeeco
Jadeeco
 
Presentazione standard1
Presentazione standard1Presentazione standard1
Presentazione standard1
 
Manifesto.odt 4
Manifesto.odt 4Manifesto.odt 4
Manifesto.odt 4
 
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
Naas nuujin daabacadda 1°- OCTOBAR 2000.
 
Autism^ (2)
Autism^ (2)Autism^ (2)
Autism^ (2)
 
Security2
Security2Security2
Security2
 

SIDA DHAGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA.

  • 1. DARYEELKA CAAFIMAADKA HOOYADA IYO DHALLAANKA DOTT ABUUKAR NUUR XUSEYN TAKHTARKA CUDURRADA CARUURTA SIDA DHEGAHA LOOGA NADIIFIYO DHUKAYGA QORAAL KOOBAN OO KU SAABSAN NADIIFINTA DHAGAHA
  • 2. Waxaa rajaynayaa in Qoraalkaan kooban oo ku saabsan nadaafada dhagaha uu noqdo mid waxtar u leh waalidiinta Soomaaliyeed gortay u dhaqaaqaan nadaafada dhagaha caruurtooda. Islamarkaas qoraalkaan waxaa ka faa'idaysan karo soomaaliyoo idil iyagoo sida saxda ah u nadiifiya dhagahooda. Qoraalkaani waxaan ku egi doonaa wuxu uu yahay dhukayga, halka uu ka yimaado,dhibaatada uu keni karo, goorta ay ku haboontahay in dhagaha dhukayga laga nadiifiyo iyo ugu dambayntii qalabka loo isticmaalo nadaafada dhagaha. Inta aana u gudo galin mowduucayna marka hore aan si kooban u qeexno qaabdhismeedka dhegta biniaadamka. Dhagta waa xubinta maqalka waxayna ka koobantahay 3 qaybood: 1) Qaybta Hore (Outer or external ear). 2) Qaybta Dhexe (Middle ear). 3) Qaybta Gudaha (Internal ear). Qayb kasta oo dhagta ka mid ah waxay qabataa shaqo muhiim ah oo iyada u gaar ah haddana si wadajir ah u wadaago shaqooyinka taasoo suuro gal ka dhigayso Maqalka. QAYBTA HORE EE DHEGTA (OUTER EAR) Qaybta Hore ee dhegta waxay ka koobantahay : a) Baalka dhegta oo ka sameesan carjaw.(Auricle). b) Marinka ama kanalka dhegta.(Auditory Canal or Ear Canal). c) Xuubka dhegta ama Durbaanka dhagta.(Ear Drum).
  • 3. Waa maxay dhukayga: Dhukayga waa dheecaan caadi ah oo ay soo saaraan unugyada marinka dhegta, kaasoo loogu talagalay in uu guud ahaan dhagta ka difaaco waxyaalaha dibadda kaga imaan kara sida dabaysha, wasaqda, busta, cayayaanka, biyaha iyo wax kasto oo dhaawac u gaysan karo dhegta gudaheeda. Goorta uu dhukayga bato waxaa banaanka u soo saara timaha yar-yar ee ku yaal marinka dhegta. Noocya badan oo dhukay ah ayaa jira: mid kakan, mid jilicsan, mid mariin ah, mid cad oo yar yar ah iyo mid madaw. Dhibaatada uu keeni karo dhukayga: Dhukayga fa'iidooyin badan ayuu leeyahay sida aan kor ku xusnay loomana baahna in mar kasta dhagaha la nadiifiyo. Hase ahaate goortuu xad dhaaf noqdo dhukayga dhibaatooyin ayuu ka mas'uul noqon karaa kuwaas kala ah: a) Maqalka oo hoos u dhaco. b) Xanuun aad ka dareentid dhegta gudaheeda. c) Cun-Cun marinka dhegta. d) Wareer. e) Guuxa hadalkaaga oo dib kuugu soo noqdo. f) Dhagta oo cub ku noqoto. g) Caabuq. Inta aysan soo ifbixin dhibaatooyinka la xiriira dhukayga waxaa haboon in dhagaha la nadiifiyo.
  • 4. Inta aad dhagaha nadiifin waa muhiim in marka hore aad baartid dhegta gudaheeda (marinka dhegta) si aad u xaqiijisid in culayska kaa saaran dhegta uu sabab u yahay dhukay. Baaritaanka marinka dhegta waa howl khusayso takhtarka oo kuu xaqiijin karo haduu marinka uu ku jiro dhukay ama hadii kale asoo isticmaalayo kalabka lagu eego marinka dhagta. NADIIFINTA DHEGAHA : Goorta uu dhukayga si xad dhaaf ah ugu bato dhegta waxaa loo baahanyahay in dhagaha la nadiifiyo. Nadiifinta dhagaha waxaad ku samayn kartaa gurigaada adoo u baahan in uu qof kale ku caawiyo ama in aad aadid isbitaalka qayba dhagaha. FIIRO GAAR AH: Ha isku dayin in aad nadiifisid dhagahaada ama kan caruurta ama dhaga kale hadii ay jiraan marxaladaha hoos ku qoran: 1) Dhag xanuun 2) wareer 3) Caabuq 4) Malax ka soo dareerta dhagta. 5) Qandho. Midda kale oo lagaa waaninayo waa isticmaalka cudbi (cotton swab) oo aad ku nadiifisid marinka dhagta madaama aad marinka dhaawac u gaysan kartid ama aad dilaaci kartid xuubka dhagta(durbaanka dhegta). Cudbiga dhukayga ayuu gudaha ugu sii riixayaa ee wax uu nadiifinayo ayeesan jirin.
  • 5. QALABKA LOO ISTICMAALO NADIIFINTA DHAGAHA: Wa noocya badan oo kala geddisan qaarkood aad ka heli kartid keliya isbitaalka ama studiaha takhtarka qaar kalane aad ka heli kartid farmashiiyaha oo aad gurigaada ku nadiifsan kartid dhegahaada. Inta aadna ku dhaqaaqin nadiifinta dhagaha waxaa marka hore muhiim ah in aad dhukayga jilcisid, waayo waxaa dhici karto in uu yahay dhukay aad u adag. Waxaad dhukayga ku jilci kartaa saliid, adoo 2 ama 3 dhibcood dheg walba ku shubaysid ilaa 3-5 maalmood.
  • 6. BIYAHAAAD ISTICMAALAYSID: Goortaad rabtid in aad dhagaha nadiifsatid waa in aad isticmaashid biyo qandiic ah, sababtoo ah biyaha qaboow ama kuwa kulul waxaad ka qaadi kartaa wareer aan caadi ahayn. DHAMAAD
  • 7. .